Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Daahir Geelle oo si kulul uga hadlay ‘cadaadis uu aqbalay’ FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharax madaxweyne oo kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa ku eedeyay madaxweyne Farmaajo in uusan waxba ka maqlin siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Musharax Daahir ayaa sheegay in Farmaajo uu u dhago nugul-yahay beesha caalamka, isla markaana uu wax ku qaato cadaadis uga yimaada dibedda, isla markaana uusan dhag jalaq u siin dhawaaqa gudaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan ka xumahay madaxweynaha Soomaaliyeed oo walaalihiis Soomaali ah oo xilka la leh, oo xukunka la leh, oo dalka la leh, marka ay la hadlaan inta wax ka diido, dunida cadaadiskeeda wax ku aqbalo,” ayuu yiri musharax Daahir Maxamuud Geelle.

“Mudane madaxweyne xuquuqdeenna siyaasiga ah in aan kaa wayno, islamarkaana aad wax naga maqli-waysid ee aad farag-elin dibadda ah wax ku maqasho waa wax laga xumaado, cadaadiska dadka kaaga imanaya xuquuq kuguma lahan ee anagaa kugu leh,” ayuu yiri.

Daahir ayaa ku doodaya inaysan sax aheyn in markasta beesha caalamka ay soo fara-geliso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna tahay in madaxweynaha uu wax ka maqlo siyaasiyiinta mucaaridku ee kula tartamaya xilka uu hayo.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in siyaasiyiinta mucaaridka aysan marnaba u sacabo tumeyn fowdo iyo qalaalase amni, isla markaana ay rabaan in jawi nabdoon kusoo dhamaato arrimaha doorashooyinka, oo xiligan xaalad cakiran ka abuuray gudaha dalka.

Musharaxa ayaa ugu dambeyntiin uga digay madaxweyne Farmaajo inuu qabto doorasho aan loo wada dhameyn oo boob ah, maadama ay musharaxiinta mucaaridka ay dhawaan qaadaceen guddiyada doorashooyinka lagu muransan yahay, iyagoona magaacaaby guddiyo cusub oo doorasho.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu Talaadadii madaxweynaha uu madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK James Duddridge, oo qeyb ka noqonaya cadaadis Farmaajo lagu saarayo inuu qabto doorasho loo dhan yahay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka looga hadlay muranka ka taagan doorashada Soomaaliya, ayada oo dowladda UK ay adkeysay sidii xal looga gaari lahaa.

Xubno ka tirsan madaxtooyada oo codsaday inaan la magacabin ayaa sheegay in wafdiga UK ay madaxweynaha ku cadaadiyeen inaan la qaban doorasho aan heshiis lagu wada aheyn, taasi oo sidoo kale uu shirkii iskaashiga Soomaaliya ee Talaadadii uu ka sheegay safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender.

Kulankan ayaa billow u ah kulamo kale oo la filayo in beesha caalamka ay la yeelato dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, si xal buuxa loo gaaro.

Hoos ka daawo Daahir Geelle

The post Daawo: Daahir Geelle oo si kulul uga hadlay 'cadaadis uu aqbalay' FARMAAJO first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this