Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ciidan oo lagu laayey gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar lagu dilay saraakii ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah, islamarkaana ay fuliyeen maleeshiyaad u abaabulan hab Qabiil ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Balanballe ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan afar sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Saraakiisha la laayey ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka soo amba-baxeen xero ciidan oo ku taalla magaalada Guriceel ee isla gobolka Galgaduud.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug waxaa inta badan ka dhaca weeraro geysta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay fuliyaan maleeshiyaad ku sugan gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this