Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad kala socotaa soo bandhigida xaqiiqda tahriibka ee TRS?

Recommended Posts

Deeq A.   

Mashruuca soo bandhigida xaqiiqda tahriibka ee (TRS)  ayaa horraantii bishan December billaabay taxanayaal barnaamijyo ah oo la magac-baxay “Showga Soomaalidda ee Ifraax Axmed”, waxaana dhammaan taxanayaashaasi barnaamijyada ah ay ka hadlayaan tahriibka.

Waa barnaamijyo wareysi leh oo ay daadihineyso Ifraax Axmed oo ah gabar u ololeysa arrimaha bulshada Soomaaliyeed.

Ifraax oo ah dhaq-dhaqaaqe bulsho oo caan ka ah Soomaaliya ayaa barnaamijyadeeda ku soo bandhigtay xaqiiqada Tahriibka (TRS),  si kor loogu qaado macluumaadka wacyiga ku saabsan halista tahriibka.

Ololahan waxaa si gaar ah loogu tala-galay dadka ka socda waddamada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaasi oo safar halis ah qaadaya marka ay tahriibayaan.

Sidoo kale Ifraax oo sharraxaad ka bixineysay waxa ku dhaliyey barnaamijkan ayaa sheegtay inay tahay soo bandhigida khatarta lagala kulmo tahriibka, iyada oo shaacisay inuu u qalmo in fiiro gaar ah loo yeesho, si loo bad-baaday dhalinyarada.

“In kasta oo aan ahay u dhaq-dhaqaaqaha arrimaha bulshada ee Soomaaliyeed, aadna aan uga warhayey tahriib, waayo-aragnimadan bandhiggan ayaa igu yeeshay saameyn aan caadi ahayn Waxay iga dhigtay inaan ogaado in tahriib uu u qalmo fiiro gaar ah, bulshooyinka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahba.” ayey tiri Ifraax Axmed.

TRS waxa ay Ifraa ku soo bandhigtaa fiidiyowyo xamaasad leh, markhaatiyaal badbaaday, iyada oo macluumaadkaas ku faafineyso dhowr luqadood, sida Ingiriiska, Soomaaliga iyo Tigrinya.

Muqalasiinta iyo Tahriibinta

Dadka ka shaqeeya tahriibka ee loo yaqaano Mukhalisiinta, islamarkaana wax tahriibiya waxay safarada halista ah ee ay galayaan muhaajiriinta ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta halis ay dad badan ku waayeen naftooda.

Marwo ka mid ah kuwa la wareystay ayaa sharraxaysa khibradeeda naxdinta leh ee ku aadan tahriibka, kadib markii ay la kulantay afduub & jirdil ay u geysteen Mukhalisiinta wax tahriibiya, waxaa la dilay qaar ka mid ah dadkii ay isla safrayeen, kuwa kale dhimirka ayey beeleen, halka qaar kalena adoon ahaa loo iibiyey.

“Waxaa na afduubay kooxo wax tahriibiya. Qaarkeen baa adoon ahaan loo iibiyay. Dadka qaar ayaa lagu qasbay inay ku biiraan kooxaha, xitaa haddii aysan rabin inay safraan mukhalisiinta ayaa xoog ku wadaya. Qaarkeen ayaa si xun loo garaacay qaarna xitaa waa la dilay. Qaar baa maskaxdoodii ka lumay” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay “Mukhalisiinta wax tahriibiya waxay tahriibka ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta khatar dhab ah.”

Ifraax Axmed ayaa sheegtay in sheekooyinka tahriibka diirada lagu saaray ganacsiga naxariis darrada ah ee tahriibinta, jirdilka, dhibaatooyinka dumarka muhaajiriinta ah ay la kulmeen iyo dhabibaatooyinka kale ee naxdinta leh.

Linkiga hoose ku dhufo, si aad u aqrisato warsaxaafadeedka.

SOMALI TALKS PRESS RELEASE – Somali

WhatsApp Image 2020-12-08 at 10.12.10 PM (1) WhatsApp Image 2020-12-08 at 10.12.10 PM WhatsApp Image 2020-12-08 at 10.17.53 PM

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this