Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal caawa ka dhacay Carwo Itko

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus uu ka socdo isgoyska Carwo Itko ee kala qeybiya dgemooyinka Howl-wadaag iyo Warta Nabadda.

Dagaalkan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa u dhexeeyey rag hubeysan oo watay Gaari & ciidanka ammaanka, kuwaas oo isu dayay inay si awood ah ku maraan Bar-control oo ku taalla halkaasi, sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in raga hubeysan ay dhowr bambo gacmeed ku tuureen, islamarkaana ay rasaas huwiyeen ciidankii ku sugnaa bartaas Control.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaanta goobta isaga baxsaday kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this