Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ciidan oo lagu dilay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   
20201209_210148.jpg?resize=654%2C503&ssl

Ilaa lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ayaa galabta lagu dilay meel u dhow degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ayaa ku dhintay weerar dhaba-gal ah oo dabley hubaysan ku qaaday gaadiid ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo kasoo laabtay xerada tababarka Harqaboobe ee degmada Guriceel.

Sidoo kale weerarkaas waxaa ku dhaawacmay ilaa afar sarkaal, halka ay kuwa kalana ka badbaadeen, iyagoo nabad qaba.

Saarakiisha la laayay ayaa booqasho ugu socday qoysaskooda oo degan degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin dilka saraakiisha, ilaa iyo haddana ma cadda waxa sababay sababay weerarka.

PUNTLAD POST

The post Saraakiil ciidan oo lagu dilay Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this