Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Koox Soomaali ah oo Shixnado Huba u kala gudbisa Iran & Xuutiyiinta Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

Koox Soomaali ah oo Hubka u kala gudbisa Iran iyo Yemen

Nin saaran gaari qori ku xiran yahay

Sida lagu sheegay warbixin cusub, hubka u socda kooxda Xuutiyiinta Yaman ee ka yimaada Iraan wuxuu sii maraan qeybo ka mid ah xeebaha Bari ee Soomaaliya, waxaana kala gudbisa koox Soomaali ah.

Sida ku xusan warbixinta, waxaa la qabtay markab la sheegay in uu gacanka Iraan ka soo daabulay hub loo waday maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallamo Yemen.

Waxaa arrintaas laga soo xigtay koox ku howlan ka ganacsiga hub sharci darrada ah oo uu fadhigeedu yahay Soomaaliya, sida uu ku warramay ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo The Global Initiative.

Bishii Juun ee sannadkan 2020, markab lagu magacaabo Al Bar 2, ayay ciidamada badda Sucuudiga qabteen, waxaana lagu soo warramayaa in uu siday shixnad hub ah oo uu ka soo qaaday gacanka Iraan, kuna wajahneyd maleeshiyaadka Xutiiyiinta.

“Baaritaanka ururka Global Initiative uu ku sameeyay markabka Al Bar 2, waxaa lagu ogaaday in shabakaddii ugu horreysay oo ku howlan ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee uu fadhigeedu yahay Soomaaliya ay ku lug leedahay hubka u kala gudbaya Iraan iyo Xuutiyiinta”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Hub badan oo yaalla meel oo laga soo dejiyay markab la qabtay
Sannadkii 2016-kii, Ciidamada badda ee Faransiiska ee ilaalinaya waqooyiga Badwaynta Hindiya ayaa qabtay markab ay saarnaayeen hub ay sheegeen inuu u socday Soomaaliya

Hay’adda warbixinta qortay waxay sheegtay in madaxa shabakaddan uu yahay qof wakiil u ah koox hubka kala gudbisa oo xiriir la leh ururka Al-Qaacidda iyo kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Yemen.

Sida ku xusan warbixinta lagu daabacay bogga Global Initiative, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, wuxuu sheegay in qabashada markabka Al Bar 2 uu caddeyn u yahay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey ee saaran Iraan iyo in la kordhiyo wakhtiga cunaqabateynta si looga hortago in Iraan ay hub siiso Xuutiyiinta iyo kooxaha kale.

“Waxay u muuqataa in xayiraadaha Qaramada Midoobey ee ka dhanka hubka sharci darrada ah looga hortagi karo shabakadaha caalamiga ah ee awoodda leh, sida kuwa ku lugta lahaa shixnadda hubka ee uu siday markabka Al Bar 2”.

Cunna-qabateynta hubka Soomaaliya

Sannadkii 2019-kii ayay ahayd markii Qaramada Midoobeey ay muddo sannad ah ku kordhisay cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixin ay gudbiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey oo baaritaan ku sameeyay cunna-qabateynta hubka ayaa sheegay “in marar kala duwan la jebiyay cunaqabateynta”, uuna Soomaaliya “galo hub sharci darro ah”.

Bishii Agoosto ee 2019, koox khubaro ah ayaa diiwan geliyay hub dhan 38 qori, kuwaas oo lagu iibinayay suuqa hubka madow ee kooxaha hubka ka ganacsada, kuwaas oo leh sumada hubka ay dowladda la soo degtay.

Hub duug ah oo yaalla meel

Kooxda khubarada ee Qaramada Midoobay waxaa kale oo ay dabagaleen qaar kamid ah hub lahaa sumadda dowladda oo ay la soo degtay Sabtemabr, 2014-kii, Juun 2017-ka iyo July 2017-kii.

93 kamid ah bastooladaha ay la soo degtay dowladda federaalka ayaa waxaa ka muuqatay cadeymo muujinaya in la isku dayay in laga fujiyo sumadda dowladda, tallaabadaas oo ah middii ugu horeesay ee ay arkaan khubarada.

Cadeymo ay khubarada ka heleen saddex qof oo ka ganacsada hubka waxaa ay xaqiijiyeen in hubka dowladda ay ” iibsadaan saraakiil sare iyo kuwa xilal hoose ka haya ciidanka dowladda”.

Kooxda khubarada Qaramada Midoobay waxay diwaangeliyeen hub ay Al Shabaab kala wareegtay dowladda, hubkaas oo ay ka mid yihiin qoryo, rasaas, baabuur iyo basuukayaal iyo baaburta gaashaaman ee Dowladda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this