Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab khasaare hantiyeed geystay oo ka kacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab geystay khasaare hantiyeed oo saaka ka kacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee G/Banabaadir.

Dabka ayaa qabsaday guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka Jaamacadaha, gaar ahaan xaafad u dhwo beerta Jaadka.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay Koronto, wuxuuna  baabi’iyey illaa afar guri oo ku yaalla halkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ee ku guryo beelay dabkaasi ayaa Shabelle uga warramay khasaaraha soo gaaray.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayey dabab siyaabo kala duwan uga kacayey qeybo ka mid ah caasimada, kuwaas oo ay badi sababtay Koronto, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this