Deeq A. Posted December 9, 2020 Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ay hub fara badan kala soo dageen xeeb ku taalla gobolkaasi. Hubka oo ahaa noocyada fudud ayaa waxaa lagu soo warramayaa in laga soo dajiyey xeebta deegaanka Durduri oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in hubkaas lagu keenay doon loo soo ekeysiiyey mid kalluulmeysi, taas oo ka timid dhinaca dalka Yemen. Dagaalyahanada Al-Shabaab oo la dagay hubkan ayaa la sheegay inay la aadeen dhinaca buuraha Calmadow, halkaas oo ay ku xoogan yihiin. Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku heysa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland, halkaas oo ay ka soo abaabulaan weerarada ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites