Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo galay fasax aan la shaacin

Recommended Posts

Deeq A.   
Baarlaman.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, oo ku guda jiray Kal-fadhiga 47-aad, gaar ahaanna Qodobka La-xisaabtanka Xukuumadda, ayaa mudda Toban maalmood ah la geliyay safax aan la shaacin.

Dad xog-ogaal ah oo diiday in magacyadooda la xigto, waxay Puntland Post u xaqiijiyeen in saaka oo Arbaco ah hal mar lagu war-helay Baarlamanka oo fasaxan, balse aan la ogayn sababta loo fasaxay.

Xildhibaannada, waxa si hoose loogu war-geliyay, in ay soo laabtaan maalinta Sabtida ah oo ku beegan 19 December , si loo sii wado Qodobada ka harsan Kal-fadhiga 47-aad oo soo bilowday 25-kii October 2020.

Qodobada ka harsan Kal-fadhiga, waxa ugu muhiimsan dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland iyo Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo galay fasax aan la shaacin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this