Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare Oo Ayidday Guusha Madaxweyne Joe Biden Ee Gobolka Pennsylvania

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa salaasadii gaashaanka ku dhufatay, isku daygi ugu danbeeyay ee ay Xisbiga Jamhuuriga ku rabeen in madaxweynaha la doortay Joe Biden loogu diido guushii uu ka gaadhay gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.

Biden ayaa Pennsylvania tobanaan kun oo cod uga badiyay madaxweyne Donald Trump, doorashadi madaxtinimada ee dhacday saddexdi bishi November ee aanu kasoo gudubnay.

Iyadoo ayna wax faah-faahin ah bixinin, ayay Maxkamadda Sare diiday in ay joojiso hannaanka shahaadada qirista guusha lagu siinayo Joe Biden.

Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo dimoqraadi ah ayaa mar hore saxeexay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aysan 14-ka bishan December codeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaano Electoral College.

Pennsylvania ayaa leh 20 cod, mar walbana waxay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhacda afarti sanaba mar.

Joe Biden ayaa doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa. Waxay ku xidhantahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan erdgooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this