Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo shaacisay inay xoojineyso dagaalka ka dhanka ah Musuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay ka go’an tahay la dagaalanka musuqa.

Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in haatan xafiisyada hanti dhowrka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay wadaan baaritaano ku aadan musuqa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xilliyada kala guurka lagu jiro inta badan laga faa’iideysto hantida dadweynaha, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintaasi ay ka qaban doonaan shaqo adag, si looga hortago xatooyo loo geysto xoolaha dadweynaha.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay horey dowladda Soomaaliya u qaaday tallaabooyin ka dhan ah musuq-maasuqa, waxaana xabsiga la dhigay mas’uuliyiin iyo shaqaale lagu helay wax is-daba marin, kuwaas oo ay xukuntay maxkamadda G/Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this