Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo qiratay in ciidankeeda ay dileen shaqaale ka tirsan QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in askarteedu ay toogteen koox ka tirsan Qaramada Midoobay oo gaari ku dhex marayay waqooyiga dalkaas oo ay ciidanku kula dagaalamayeen xoogggaga Tigreega.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ku eedeyay inay soo galeen aag aan loogu talagelin.

Wuxuu ku eedeeyay inay si toos ah u dhex mareen laba bar kontorool inta aan la xirin. Qaramada Midoobay ayaan ilaa haatan wax jawaab ah ka bixin dhacdadaas lagu dilay shaqaalaheeda.

Kooxda ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayeen inay gaaraan xero ay ku jiraan qaxootiga reer Eritrea ah.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in qaar kamid ah ay ku dhex go’doonsan yihiin dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF.

Sidoo kale waxa soo baxaya warar sheegaya in qaxootiga lagu qasbay inay fuulaan gawaari xamuul ah oo ay dib ugu laabtaan dalkooda Eritrea.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this