Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda G/Banaadir oo dhageysaneyso kiiskii marxuumad Xamdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ay soo gaba-gabeyso dhageysiga dacwadda ka dhanka ah dilkii iyo kufsigii Muqdisho loo geystay Marxuumada Xamdi Maxamed Faarax, kaas oo dhacay 12-kii September ee sanadkan.

Dhageysiga kiiskan oo loo soo qabtay shaqasiyaad uu ku jiro Maxamed Ibraahim Cismaan ayaa saacadaha soo socda ka bilaaban doono xarunta maxkamadda.

Edeysane Maxamed Ibraahim oo laga soo qabtay magaalada Cadaado ayaa horey u qirtay in marxuumad Xamdi uu geeyey hotelka lagu kufsaday, laguna dilay oo ku yaalla Waabari.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kiiskan ka yeelatay fadhiyo kala duwan, iyada oo maanta ku dhawaaqeyso go’aankeeda kama damebeysta ah.

Allaha u naxariistee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qeyb-gashay imtixaanka dowladda ayaa falka arxan darrada ah ee loo geystay waxaa si isku mid ah u cambaareeyey dhammaan dadka Soomaaliyeed, kadib markii la’isugu daray kufsi iyo dil.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this