Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo Galmudug ka reebay guddiyada doorashada heer gobol oo la xareeyey + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la xareeyey guddiyada doorashada heer dowlad goboleed ee lagu murasan yahay oo weli kala dhiman, waxaana la dejiyey Hotelka Peace oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Guddiyada la xareeyay ayaa kala ah guddiyadii ay soo magacaabeen dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo min saddex xubnood oo xukuumaddu ay ku dartay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.

Guddiyadan la xareeyey kuma jiraan xubnihii ay soo magacaawday Galmudug, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu dalbaday in dib loogu dhigo xareynta xubnaha guddiyada doorashada ku metelaya Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu berri imaan doono magaalada Muqdisho, waxuuna wadaa qorshe uu ku dhexdhaxaadinayo dhinacyada isku haya doorashada dalka.

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashada dalka, taas oo ka dhigan in guddiyadan aysan howlgeli karin iyagoo kala dhiman.

Arbacada berri ah ayaa la filayaa in guddiyadan kala dhiman loo furo tababar ku saabsan howlaha doorashada dalka oo muran badan uu ka taaganyahay.

The post Qoor Qoor oo Galmudug ka reebay guddiyada doorashada heer gobol oo la xareeyey + Sababta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this