Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Ingiriiska oo booqday xero ciidan oo ku taalla Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1607456553847.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska James Duddridge iyo Safiirka Dowlada Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo.

Wafdiga Ingiriiska ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, waxaana sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Koonfur Galbeed looga hadlay dib u dhiska ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta, madaxweyne Lafta-gareen ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay dadaalada ay kawado Koonfur Galbeed.

FB_IMG_1607456581834.jpg?resize=720%2C48

Kulanka kadib ayaa wafdiga Ingiriiska waxay booqasho ku tageen xero dowlada Ingiriiska ku tababarto ciidanka Soomaaliya oo ku taalla Baydhabo, iyagoo kormeeray howlaha xeradaas ka socda.

FB_IMG_1607456632886.jpg?resize=720%2C48

Dhanka kale wafdiga Ingiriiska ayaa madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ay la wadaageen madaxeynaha qorsheyaasha hirgalay ee ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

FB_IMG_1607456998860.jpg?resize=720%2C48

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada dhexmaray labada dhinac, wuxuuna sheegay in la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.” ayuu yiri Balal Maxamed Cismaan.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta ciidamada, kobcinta dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

FB_IMG_1607458359431.jpg?resize=720%2C48

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, wuxuuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda dalkaas ee Somaaliya Mudane Ben Fender Obe.

PUNTLNAD POST

The post Wasiir ka tirsan Xukuumadda Ingiriiska oo booqday xero ciidan oo ku taalla Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this