Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo darsin hub ah kala soo degay xeebta Durduri oo ka tirsan Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya nawaaxiga xeebta lagu magacaabo Durdur,i oo ka tirsan degmada Laasqoray, ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ee saaran buuraleyda Calmadow ay halkaas kala degtay darsin hubka fudud ah.

Ilo’ dhanka Amniga ah, waxay sheegayaan in hubkaas oo laga keenay dalka Yemen, uu saarnaa doon loo ekaysiiyay mid kalluumeysi, taas oo ka timid dhinaca waddanka Yemen, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga helin.

Sidoo kale, waxaan weli xog sugan laga helin tirada hubka u soo degay kooxda, marka laga reebo in wararku tibaaxayaan in hubkaas oo nooca fudud ahaa uu gacanta u galay kooxda Al-shabaab.

Malayshiyaadka Al-shabaab ee buurta saaran, ayaa inta badan hubka ku keensada doonyo loo ekaysiiyay kuwa kalluunka, oo ka yimaada waddanka Yemen, waxase jirtay in marar kala duwan Puntland qabatay doonyahaas.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo darsin hub ah kala soo degay xeebta Durduri oo ka tirsan Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this