Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Federaalka Itoobiya Oo Waaran Qabasho Ah U Jaray Saraakiil Baxsatay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda federaalka Itoobiya ayaa soo saartay waaran qabasho ah oo ay ku xidheyso Toban sarkaal oo ka tirsanaa guddiga booliska caasimada dalkaas ee Addis Ababa.

Saraakiisha ayaa lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyaga oo ka amar qaadanaya madaxda maamulkii TPLF, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska Federaalka Itoobiya.

Waxa kale oo xubnahaasi lagu eedeeyay inay kaalin ka qaateen qorshooyin ay wadeen madaxda TPLF, oo Boolisku sheegay inay khatar amni ku ahaayeen xasiloonida Itoobiya.

Qoraalka aya sidoo kale waxa lagu sheegay in xubnahan ay ka gudbeen xayndaabka, maadama ay sheegtay inay si toos ah awaamiirta uga qaadan jireen madaxda TPLF, oo xiligan uu dagaal adag kala dhaxeeyo dowladda federaalka Itoobiya.

Waxaana lagu xusay qoraalkaas magacyada xubnahaasi, kuwaas oo kala ah:

  1. Solomon Abrha Bisrat, Taliye
  2. Hailemariam Berhane G / Mariam, Taliye
  3. Kibrom Gebru G / Egziabher, Ku-xigeenka Kormeeraha
  4. Aregawi G / Hiwot Asfaw, Ku-xigeenka Isbatooraha
  5. Geza’e G / Hiwot G / Silassie, Kaaliyaha Isbatooraha
  6. Tesfa Kiros Gidey, Kaaliyaha Isbatooraha
  7. Araya G / Anania Kidanu, Kaaliyaha Kormeeraha
  8. Kaaliyaha Isbatoore Solomon Wolay W / Abzgi
  9. Chief Sajin Hailay Woldu G / Mariam
  10. Chief Sajin Haftu Kahsay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this