Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Sicirbarar Ayaa Ka Jira Puntland Mise Qiime-dhac Lacageed?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16074399496639381.jpg?resize=714%

Garoowe (PP) — Dhaqaaleyahan Soomaaliyeed ayaa Puntland Post la soo xiriiray si uu ugu baraarujiyo in ereyga sicirbarar ku habooneyn adeegsi marka laga hadlayo sarrifka lacagaha qalaad gaar ahaan doollarka. Qiime-dhac ayaa ku dhacay shilinka Soomaaliga hase ahaatee sicirka alaabta doollarka lagu iibsado isma beddelin, buu dhaqaaleyahanku nala wadaagay. Waa runtii. Waa dood cilmiyeed heer sare ah marka ereyga qiime-dhac lacageed la adeegsado.

Soomaalidu doollar iyo shilin labadaba wax bay ku iibsataa. Dadka badankiis shilin ayuu wax kala iibsiga u isticmaalaa. Haddii, tusaale ahaan, Guuleed oo xirfadle xoogsada ah iibsan karayay doollar — 25, 000 shilin uu hal doollar goynayay — muxuu dareemayaa haddii, toddobaad kaddib 40,000 oo shilin goyso 1 doollar? Shilinkii Soomaaliga ayaa hoos u dhacay oo in ka badan intii uu doollar ku iibsan jiray buu bixinayaa. Isagu wuxuu dareemayaa sicirbarar ku salaysan shilin Soomaaliga xitaa haddii badaacada uu doollar ku iibsan jiray ay inteedii weli tahay.

Dhanka kale ganacsatada doollar wax ku soo iibsata sare ayay u qaadaan sicirka badeecooyinka marka shilin Soomaali wax lagu kala iibsanayo. Sicirbararku wuu sii kordhi karaa haddii maamul isku dayo inuu gooyo heerka sarrifka isagoon doollar ka iibin karin ganacsatada. Marka ay dowladi hayso doollar badan oo bangiyada laga iibsan karo ayay suurtowdaa inay dejiso heerka sarrifka doollarka. Dowladdu suuqa kama saari karto heerka kale ee sarrifka oo suuqa yaalla.

Haddaba marka doollarka la eego ma jiro sicirbarar; marka wax ku kala iibsiga shilinka la eego sicirbarar ayaa jira. Maxaa jiri kara marka ganacsatadu diiddo qaadashada shilin Soomaaliga gaar ahaan marka dowladdu si uun lug ugu leedahay diidmada shilinka? Muxuu shilinka Puntland uga qiime-yar yahay shilinka Koonfurta Soomaaliya laga isticmaalo? Yaa u banneeyay maamulkii Gaas inuu shilinka uu soo daabacay ka dhigo kan keliya oo sharciga ka ah Puntland? Siyaasad dhaqaale oo ay dowladdii Gaas dejisay ayaa weli saameynteedii sii socotaa inkastuu xilka wareejiyay laba sano ka hor.

© Puntland Post, 2020

The post Ma Sicirbarar Ayaa Ka Jira Puntland Mise Qiime-dhac Lacageed? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this