Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad khasaare geystay ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isku qabteen muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, waxaana goobta ka dhacay dagaal socday muddo kooban.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac, kaas oo lagu magacaabi jiray, Cabdullaahi Caabi, sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka ah.

Marxuumka ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ka ganasada dhulalka ee loo yaqaano Dalaaliinta, wuxuuna caan ka ahaa magaalada Dhuusamareeb iyo duleedkeeda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Galmudug oo ku baxay shaqaaqadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this