Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade C/llaahi Caabi oo lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad muddo kooban socday oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyey maleeshiyaad hubeysan.

Is-rasaaseynta oo geysatay khasaare ayaa waxa ay timid, kadib markii maleeshiyaadka labada dhinac ay isku qabteen dhul ku yaalla duleedka magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay dagaalkaasi, kaas oo ay dadka deegaanka magaciisa ku sheegeen, Cabdullahi Caabi Cali.

Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ah ganacsatada dhulka, waxaana si weyn looga yaqaanay magaalada Dhuusamareeb & deegaanada ku xeeran.

Goobta uu dagaalku ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Galmudug, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa is qab-qabsi & murano la xiriira dhulal ku yaalla halkaasi.

The post Ganacsade C/llaahi Caabi oo lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this