Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Musharaxiinta oo ‘qorshe cusub u diyaariyey’ doorashada 2020/2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, haatana ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galayey dood looga hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka ayaa soo hadal qaaday is-mari waaga xoogan ee weli ka taagan arimaha doorashada dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday, haddii ay yihiin xubnaha Midowga musharraiinta inay qaadi doonaan tallaabo adag oo lagu wajayo doorashada, waa hadii aan laga heshiin muranka ka taagan doorashada, gaar ahaan dhismaha guddiyadeeda.

Musharrax Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay haddii aysan is-bedal la imaan dowladdu ay isugu imaan doonaan mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada shir wada-tashi ah oo looga arrinsanayo hannaanka doorashada 2020/21.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay u bannaan tahay madal cusub oo looga hadlayo hannaan doorasho, loogana heshiinayo saddex qariirood oo la sameynayo.

“Waxaa noo bannaan haddii xaalka barako ma leh gaarto oo caqliga talin waayo hannaan kale oo doorasho ah,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdkariin.

Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyey in ay dhisi doonaan, haddii laga maarmi waayo dowlad cusub oo dalka gaarsiiso doorasho xor iyo xalaal ah, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dood adag ay ka taagan tahay doorashada Soomaaliya oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

The post Midowga Musharaxiinta oo 'qorshe cusub u diyaariyey' doorashada 2020/2021 first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this