Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsiga Boosaaso oo maalintii shanaad xiran iyo Shiling Soomaaliga oo la diiday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarumaha kala duwan ee Ganacsiga Boosaaso, ayaa maalintii Shanaad xiran, kadib markii dadweynuhu cabasho xooggan ka muujiyay go’aan ka soo baxay madaxweyne Deni oo ahaa, in kastamka iyo dekedda Boosaaso aan lagu canshuuri Karin Shiling Soomaali.

Ciidamo badan oo saaka la dhigay waddooyinka Boosaaso, si ay u socod-siiyaan qaadasha Shiling Soomaaliga, ayaa iska gaaf-wareegaya suuqyada, maadaama aysan jirin xarun Ganacsi oo furan.

Dibad-baxyo ballaaran ayaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Boosaaso, kuwaas oo lagu diidanyahay go’aankii madaxweyne Deni, islamarkaana looga cabanayo qiima dhaca Shiling Soomaaliga iyo  sicir-bararka ba’an ee saameeyay Puntland.

Goobaha Ganacsiga Boosaaso ayaa sidoo kale diiday qaadashada Lacagta Shiling Soomaaliga ah, waxaana arrintaas saamayn ba’an ku yeelatay nolosha dadka danyarta ah ee aan haysan Lacagta Dollar-ka.

Waxaase jirta in Puntland ay maalin ka hor soo saartay go’aan lagu jaan-goynayo Sarrifka Dollar-ka, kaas oo laga dhigay halkii Dollar ($1) 35,000 oo Shilig Soomaali ah, inkastoo go’aankaas uusan weli ka dhaqan-gelin Boosaaso.

Sidoo kale, dowlahada hoose ee degmooyinka Puntland ayaa lagu amray in ay Canshuurta Shiling Soomaali ku qaadaan, iyadoo dowladdu beenisay wararka sheegaya in ay diiday Shiling-ka Soomaaliga.

4-6.jpg?resize=960%2C679&ssl=1 3-4.jpg?resize=960%2C553&ssl=1 1-15.jpg?resize=960%2C440&ssl=1 2-8.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ganacsiga Boosaaso oo maalintii shanaad xiran iyo Shiling Soomaaliga oo la diiday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this