Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Puntland oo muddaysay kiiska xildhibaanadii xilka laga xayuubiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u muddaysay dhegaysiga dacwad la xiriirta sax-ahaanshaha xilka xayuubintii lagu sameeyay 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland.

Maxkamadda sare, waxay dhegaysiga kiiskaas u muddaysay 10-bishan December oo ku beegan Khamiista todobaadkan, kadib markii xildhibaannadii xilka xayuubinta lagu sameeyay ay soo gudbiyeen dacwad la xiriirta kiiskooda.

Dacwadda kiiskan, waxa la dhegaysan doona 9:00am subaxnimo ee maalinta Khamiista ah, sida ay shaacisay Maxkamaddu

Xildhibaannada xilka laga xayuubiyay waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) , Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

Hoos ka akhriso Qoraalka Maxkamadda

Warqadda.jpg?resize=1000%2C1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda sare ee Puntland oo muddaysay kiiska xildhibaanadii xilka laga xayuubiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this