Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaweynaha Jubbaland oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kaga qeybgalay hab maqal iyo muuqaal ah shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Axmed Madoobe ayaa khudbadiisa diirada ku saaray Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka waxaana uu si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo waxyaabaha muhiimka u ah dalka xiligan xasaasiga ah.

Ugu horreyn wuxuu dowladaha iyo saxiibada tageera Soomaaliya uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan sidii dib loogu dhisi lahaa nabadgalyada iyo xasiloonida dalka balse waxaa uu farta ku fiiqay in ay jiraan dib u dhacyo joogta ah iyo isla xisaabtan la’aan gaar ahaan howlgalada AMISOM oo aan sidii la rabay loo fulin iyo dhismaha Ciidamada Qaranka oo aan waxba ka suurta galin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay kahor ka bixitaanka Ciidamada AMISOM in la helo hanaan amni oo damaanad qaadaya nolosha dadka shacabka ah taas oo aan illaa hada muuqan.

Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in ay weli dardar galinayaan weeraradooda, wuxuuna sheegay in loo baahan in si dhab ah loo wajaho ama wada-hadal lala furo.

Waa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay doorashada ay noqoto mid la isla ogolyahay oo la tashiga iyo dhagaysiga dadku ay udub dhexaad u yihiin.

Gaba-gabadii madaxweynaha Jubbaland ayaa ku booriyay xukuumada federaalka ah inay qaadato doorka ay ku leedahay shaqada socota isla markana ay ka shaqayso sidii khilaafyada jira xal loogu heli lahaa dalkana ay uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this