Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo soo bandhigay hab loo xallin karo muranka guddiyada doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku keeni kara heshiiska doroashada, islamarkaana doorashada taaba-gelinteeda, habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda ka wada shaqeeyaan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in wixii tabashooyin ah ee jira ay wanaagsan tahay in la iska qanciyo, lana muujiyo tanaasul, isqancin la xiriirta arrimaha doorashooyinka oo haatan uu muran ka taagan yahay, Galmudugna ay kaalinteeda qaadan doonto.

“Waxa Galmudug ka go’an in mar labaad door shariif ka qaadato habsami u socodka doorashooyinka iyo hirgelinta, tabashooyinka jira la iska qanciyo, sida caadada aheyd dadaalkaas waa ku jirnaa waana waajibaad na saaran horayna uga soo qeyb qaadanay,” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa madasha ka sheegay in uu diyaar u yahay xalinta tabashada laga qabo guddiga maamulaya doorashada 2020/21, arrintaasina uu ku howlan yahay.

“Cabashooyin ka yimid tallaabta doorashada way jirtaan, waxa aan ku howlanahay sidii aan ugu dhaqaaqi lahaa xal ka gaarista, Galmudug waxa ay qabtaa in si xasiloon oo wanaagsan lagu turxaan bixiyo, markale waxa aan diyaar u nahay in heshiis laga gaaro tabashooyinka jira, dhinacyada dhan waxa aan leeyahay waa in laga fogaadaa wax waliba oo caqabad ku keeni kara heshiiska ama Doorashada oo aan wadajir u shaqeyno,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Waxaa uu ugu baaqay dhamaan saamileyda Siyaasadeed ee dalka inay ka fogaadaan waxkasta oo dhibaato dalkan u horseedi karta, si dalka uu horay ugu socdana la wada heshiiyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  oo shalay dib ugu laabtay dhuusamareeb ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho waxaa uu waday qorshooyin uu ku dhex-dhaxaadinayo Madaxda Dowladda iyo Midowga Musharixiinta oo qaadacay guddiga doorashooyinka ay dowladda Magacaawday.

Khudbada Madaxweynaha Galmudug ka jeediyay shirka Somalia Partnership Forum ayaa u muuqatay mid deganaan ah oo dhinacyada ku muransan doorashada uu dhex dhexaadnimo ugu muujinayay, wixii tabasha ee jirana xal laga gaaro.

The post Qoor Qoor oo soo bandhigay hab loo xallin karo muranka guddiyada doorashada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this