Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xukuumadduna Umaba Aragto In Ay Mas’uuliyaddaas Iyadu Leedahay Shilalalkaa Dhacaya, Dadka Ku Dhimanaya Iyo Hantida Ku Burburaysa Intuba Waxa Ay Noqdeen Wax Iska Caadi Ah…” Xoghayaha Guud Xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

“Xukuumadduna Umaba Aragto In Ay Mas’uuliyaddaas Iyadu Leedahay Shilalalkaa Dhacaya, Dadka Ku Dhimanaya Iyo Hantida Ku Burburaysa Intuba Waxa Ay Noqdeen Wax Iska Caadi Ah Oo Dabiici Ah” Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani

“Ayaan darrada ina haysata ayaa ah inta umaddan xaafad xaafad iyo reero loo qeybiyey looguna daray boob hantiyeed iyo daryeel la,aan. Labadii bilood ee ugu danbeeyay waxaa wadanka ka dhacay shilal aad u badan oo aan xad lahayn, dadka ku dhintayna waxaa la sheegayaa in ay gaadhayaan 30 qof Alle ha u wada naxariistee. Shilalkaasi waxaa sabab u ahaa inta badan saddex sababood oo waaweyn, 1) Waddooyinka oo aad u liita, 2) Xirfadda iyo mas’uuliyadda wadayaasha oo hoosaysa iyo 3) Shuruucdii iyo calaamadihii waddooyinka oo aan la hirgelin, mas’uuliyadahaas Wasaaraddii lahayd waxa ay ku mashquulsantahay lacago sharci darro ah oo aan Golaha Wakiilada soo marin oo muwaadiniinta laga qaado.

Dunida lama arag Wasaarad laga dhex sameeyo xarun ganacsi oo indhaha lagu cabiro, dadku caafimaadka indhahooda cisbitaalada ayay ka samaystaan, marka damiirkaagu noolyahay haddii mas’uuliyad aad leedahay oo dayacantay ay dad maalin walba u nafwaayaan, haddii damiirkaagu noolyahay shaqadaa laga tagaa, haddii se aad garan weydana cidda mas’uuliyadda guud leh ayaa kaaga raaxaysa shaqo xumadaada, laakiin maanta labadii midna ma muuqdaan, Xukuumadduna umaba aragto in ay mas’uuliyaddaas iyadu leedahay shilalalkaa dhacaya, dadka ku dhimanaya iyo hantida ku burburaysa intuba waxa ay noqdeen wax iska caadi ah oo dabiici ah.

W/Q Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this