Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntkand oo digniin culus u dirtay ganacsatada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud oo ah taliyaha  qeybta Booliiska gobolka Bari oo maanta u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan sicirka bararka ka jira deegaanada Puntland iyo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah.

Taliyaha ayaa sheegay in dhammaan go’aamada ka soo baxay Puntland ay yihiin kuwo loogu daneynayo dadka danta yar, islamarkaana aysan jirin in maamulka uu mamnuucay qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga ah, balse si kale loo dhigay arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan rag ganacsato ah oo iska horkeenayo shacabka iyo Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay in liiskooda ay gacanta ku hayaan, isaga oo u diray digniin kama dambeys ah.

Puntland ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay sarrifka Dollerka oo aad u kacay iyo hoos u dhac baahsan oo ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga ah oo inta badan isticmaalkeeda laga diiday qeybo badan oo ka mid ah deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this