Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo beesha caalamka ku hor weeraray DF iyo dalab uu u gudbiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlayay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya, xiisadda Gobolka Gedo iyo tabashada kasoo yeertay dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa dalbaday in dowladda federaalka ay si deg-deg ah ugu wareejiso maamulka gobolka Gedo, oo ay xiligan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka, kuwaasi oo uu hore ugu eedeeyay in dhibaatooyin aan loo adkeysan karin ka geysanayaan gobolkaas.

Axmed Madoobe ayaa kulankan oo ay xaadir ku ahaayeen inta badan xubnaha Beesha Caalamka ka sheegay in Dowladda Dhexe ay ciidamo maleeshiyaad ah geysay Gobolka Gedo, islamarkaasna ay ka baxday heshiiskii ahaa inay ciidamadaas ka saarto Gobolkaas ka hor inta aysan dalka ka dhicin doorasho.

Madaxweynaha ayaa dalbaday in madaxda dowladda ay qoraal rasmi ah ku cadeeyan goobaha ay Jubbaland doorashada ku qabaneyso ama ay cadeystaan inay la wareegen gobolka Gedo, oo markii hore si xoog ah ku haysteen, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saarna waanu la wareegnay dhaha Gedo, idinkoo sababeynaya.”

Sidoo kale, Axmed Madoobe oo ka hadlay tabashada kasoo yeertay xubnaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dalbaday in si deg deg ah loo qabto kulan looga tashanayo cabashada iyo khilaafka ka taagan doorashada isla markaasna ay lagama maarmaan tahay inay goob joog ka ahaadaan xubnaha Beesha Caalamka si ay marqaati uga noqdaan heshiiska la wada gaarayo.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Rooble ugu baaqday inuu doorka uu leeyahay ka qaato doorashada wuxuuna yiri  “Ra’iisul Wasaare Rooble ma tihid Musharax doorka aad leedahay in aad qaadato ayaa lagaa rabaa”.

Ugu dambeyntiina waxa uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Rooble ugu baaqay inuu si mug leh u qaato doorka uu ku leeyahay arrimaha doorashooyinka, oo xiligan uu ka taagan yahay muran baahsan.

Si kastaba, hadalkan ayaa imanaya xili uu sare u kacay khilaafka ka dhex aloosan Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka, kadib markii uu dhawaan ku hanjabay inaysan ka dhaceyn doorasho gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayso dowladda.

The post Axmed Madoobe oo beesha caalamka ku hor weeraray DF iyo dalab uu u gudbiyay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this