Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Madasha ISkaashiga ee Somalia Partnership Forum oo goor dhow Muqdisho ka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa, in uu saacadaha soo socdo magaalada muqdisho ka furmo Shirka madasha iskaashiga ee Partnership Forum, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Shirka oo ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka, ayaa waxaa uu ajandihiisu yahay  ka hadlida Arrimaha doorashooyinka, Amniga, sii wadida dib-u-habeynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha iyo horumarka xagga deynta cafinta laga gaaray.

Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha beesha caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Sidoo kale, Xubnaha dhinaca dowladda ee shirka ka qeyb-galaya, ayaa waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, & Wasiirada, gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey.

PUNTLAND POST

The post Shirka Madasha ISkaashiga ee Somalia Partnership Forum oo goor dhow Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this