Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo taageeray dooddii murashixiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP ) — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka saaxiibbada Soomaaliya kaga qeybgalay habka Zoom ayaa sheegay in dowlada federaalku ku darsatay guddiga doorashooyinka xubno iyada ku dhowdhow.

Hadalkani wuxuu xoojinayaa dooddii mucaaradka ku saabsanayd wax ka beddelka xubnaha guddiga doorashooyinka. Deni wuxuu kale oo uu soo jeediyay in dib loo dhigo dib u eegista dastuurka. Maamulka Puntland ayaa ka cagaajidaya inuu xubnihii loogu talogalay guddiga doorashooyinka uu soo magacaabo.

WhatsApp-Image-2020-12-06-at-20.31.12.jpDoodda Madaxweyne Deni way isburinaysay codsiga dib-u-dhigista dib u eegista dastuurka awgiis.

Wuxuu dhinac istaagay maamulka Jubaland oo ku doodaya in dowladda federaalku faragelisay gobolka Gedo oo ka tirsan Jubaland. Laba aragti uu Deni la soo shirtagay waxay ku soo beegmeen xilli doorashada Soomaaliya loo diyaargaroobayo.

Maamul federaaleedyadu waxay soo magacaabeen xubno ka mid noqonaya maamul guddiyada doorashooyinka.

Taageerada uu Deni siiyay doodda ‘mucaaradka’ ayaa ku salaysan ujeeddada in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu helo awood uu ku soo magacaabo dhammaan xildhibaannada iyo xubnaha Aqalka Sare.

Puntland iyo Jubaland way ku adkaan doontaa inay mar kale ragaadiyaan tubta doorashada waayo waa labada maamul keliya oo isku doodda ah.

© Puntland Post, 2020

The post Deni oo taageeray dooddii murashixiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this