Deeq A. Posted December 7, 2020 Shirka madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka (Somalia Partnership Forum), kaasi oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowladda Faderaalka, Dowlad goboleedyada iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka ee Soomaaliya taageera ayaa ka furmay magaalada Muqdusho. Shirka oo ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka ayaa waxaa uu ajandihiisu yahay arrimaha doorashooyinka, Amniga, sii wadidda dib-u-habaynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga daynta cafinta laga gaaray iyo kasoo kabashada duufaan dhawaan ku dhufatay deegaanno ka mid ah dalka. Kulanka waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad goboleedyada iyo Xubnaha beesha caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale. View the full article Share this post Link to post Share on other sites