Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Siciid Deni oo tabashadooda ku soo bandhigay Madasha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland,Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka madasha Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashada 20/21.

Siciid Deni oo shirka uga qeyb-galay Aaladda Zoom-ka ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo la xiriirta qabashada doorashada.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay tabashada ay ka qabaan doorashada, taas oo ay ugu horreyso arrinta gobolka Gedo iyo dooda ka taagan guddiyada doorashada Somaliland.

Madaweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ciidamadeeda kala soo baxdo gobolka Gedo, si ay Jubbaland doorasho ugu qabato, sidoo kale wuxuu ku taliyey in la-tashi guud laga sameeyo guddiga doorashada ee xildhibaanada gobollada Waqooyi ama Somaliland.

Dhankiisa wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo goobta hadal ka jeediyey ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in doorashada 2020/21 ay noqoto mid xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay u dhan yihiin dhinacyada ay quseyso oo dhan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka, siiba dhismaha guddiyada ka shaqeynaya.

shir.jpg7cf77ef9-0951-45be-a2f1-fb55d722aad9.jpg 130291384_158255502714976_88814271367902 130308299_158255456048314_22762721929149 a656b25a-0371-4c58-9807-0fac53970823.jpg d97f682c-eb29-4e44-a2ef-3ab4a63ae628.jpg

The post Sawiro: Siciid Deni oo tabashadooda ku soo bandhigay Madasha Somalia first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this