Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuun la garan waayay oo si xawliya ugu faafaya dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xanuun aan weli la aqoonsan, ayaa in ka badan 140 ruux ku soo ritay dalka Hindiya, dhammaadkii todobaadkii tegay oo keliya.

Mas’uuliyiinta Caafimaadka Hindiya, ayaa shaaciyay in xanuunkaas uu ka dillaacay degaanka lagu magacabo Eluru ee Gobolka Andhra Pradesh, islamarkaana uu si xawliya ku faafayo.

Dadka cudurkaas haleelay ayaa lagu arkay calaamado ay kamid yihiin lallabo, miyir beel, matag iyo suuxdin, inkastoo aan weli la aqoonsan nooca xanuunka.

Dhammaan bukaannada uu soo ritay xanuunkan ayaa markii hore laga baaray cudurka COVID-19, balse waa laga waayay, sida ay sheegtay warbaahinta Hindiya.

Dhaqaatiir kala duwan oo dowladda Hindiya gaysay halkaasi, ayaa weli baaraya cudurkan oo la garan la’yahay noociisa, waxaana laga cabsi qabaa in uu si deg deg ah ugu fido dalka oo dhan.

PUNTLAND POST

The post Xanuun la garan waayay oo si xawliya ugu faafaya dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this