Deeq A. Posted December 6, 2020 Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal isugu soo baxay dadweyne careysan oo banaan-bax cabasho ah ka dhigay gudaha magaaladaasi. Banaan-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb-galay dadweyne fara badan oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn iyo fagaareyaasha magaaladaasi. Sidoo kale waxa dibad-baxan looga soo horjeeday diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah iyo sicirka bararka baahsan ee xilligan ka jira deegaanada Puntland. Qaar ka mid ah dadka dhigayey dibad-baxa oo la hadlay warbaahinta ayaa dhibaatada jirta ku eedeeyey maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni), iyaga oo sababta ku sheegay, kadib amarkii ku aadanaa in canshuurta lagu bixiyo Dollar. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen xukuumadda Garoowe inay si deg-deg ah wax uga qabato sicir-bararka ka jira halkaasi. Dibadbaxan ayaa ku beegmaya, xilli uu Puntland ka dhaqan galay go’aan lagu soo rogay shirkaddaha is-gaarsiinta oo ahaa in aan la isku diri karin 1 dollar iyo wixii ka yar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites