Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNSAA oo baaq ka soo saartay xaaladda sicir-bararka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalladda ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA, ayaa ku baaqday in xukuumadda iyo Ganacsatada Puntland isu’gu yimaadaan kulan guud oo ku saabsan xakamaynta Sicir-bararka, si wax looga qabto qiimaha dhaca Lacagta Shiling Soomaaliga ah.

Nuxurka dood-cilmiyeed ku saabsan qiima dhaca Shilinga Soomaaliga oo PUNSAA ku qabatay Garoowe, waxa ka so baxay Tala-soojeedin ah, in ay kulan guud isu’gu yimaadaan Ganacsatada iyo dowladdu, si loo xakameeyo sicir-bararka.

Dood-cilmiyeedka PUNSAA, waxa ka qayb-galay oo Ra’yigooda ka dhiibtay Khubaro dhaqaale, Ganacsato, Sarriflayaal, Aqoonyahanno, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka.

Hoos ka akhriso Baaqa PUNSAA

One-2.jpg?resize=867%2C1080&ssl=1

PUNTLAND POST

The post PUNSAA oo baaq ka soo saartay xaaladda sicir-bararka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this