Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey inay qaadayaan tallaabo kadib gudoonkii ay doorteen gudiga doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa jawaab ka bixiyey go’aankii shalay ay guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal ku doortaan guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen, wuxuuna ku hanjabay inuu qaadayo tallaabo.

Guddigan oo shalay ku kulmay hotel Decale ee Muqdisho ayaa guddoomiye u doortay Maxamed Xasan Maxamed, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu u arkaa in tallaabada ay guddoon ku doorteen guddigii sharci darrida ahaa ee ay dawladda federaalka ah u magacawday doorashooyinka ay tahay iska dhegatir baaqii ay murashaxiinta soo jeediyeen ee gundhiggiisu ahaa in doorasho noqoto mid la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan iyo kusii adkaysi tabihii doorashada uu ku boobi lahaa madaxweynuhu,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

“Goluhu wuxuu horay u soo jeediyey dhaliilo uu ka qabo maamulka Doorashooyinka, isagoo ugu baaqayn Madaxweynaha dawladda Federaalka ah in uu joojiyo isku dayga uu ku doonayo in uu ku boobo Doorashooyinka.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ku wargelinayo in uu qaadayo “tallaabo kasta oo dalka looga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho boob ah ama uu ku dhaco firaaq dastuuri ah.”

“Goluhu wuxuu mar kale uga digayaa Madaxweyne Farmaajo in uu qaadayo cawaaqib xumida ka dhalata ku adkaysiga tallaabooyinka uu ku diidan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey qoraalka.
War-murtiyeed-Guddiga-Doorashooyinka-Daw

The post Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey inay qaadayaan tallaabo kadib gudoonkii ay doorteen gudiga doorashada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this