Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladii u danbaysay ee Dagaalka+Fadhataysiga oo caadi ka noqday Magaalada Mekelle & Dad Magaalada Sugan oo warbaahintu la hadashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhataysiga oo caadi ka noqday Magaalada Mekelle+Dad Magaalada Sugan oo warbaahintu la hadashay

Ciidamada dawladdu waxay dagaal kula jireen xoogagga TPLF u daacadda ah tan iyo 4 Noofember
Ciidamada dawladdu waxay dagaal kula jireen xoogagga TPLF u daacadda ah tan iyo 4 Noofember

BBC-da ayay markii ugu horraysay u suurto gashay in ay la hadasho dad jooga magaalada Mekelle ee xarunta gobolka qalalaasuhu ka dhacay ee Tigray ee dalka Itoobiya, tan iyo markii Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed ku dhawaaqay dhamaadkan hawl galkii milatari ee afarta todobaad socday.

“runtii waa cabsi miidhan. Arintu way adagtahay. U malayn maayo in Tigray duruuftan adag oo kale weligeed soo martay” ayuu yidhi qof codkiisa quusi ka muuqato oo telefoonka hoos ugu hadlayaa.

BBC-du waxay maalmo dhan isku dayeysay in ay la hadasho dad jooga magaaladaas ay ku nool yihiin nus malyuunka qof. Telefoonada ayaa go’naa kooraankuna suququl buu ahaa taasaana adkaynaysay in xataa internet-ka dhanka dayax gacmeedka ah lagula xidhiidhi karo.

Laakiin waxa noo suurto gashay in aanu wada sheekaysi kooban la yeelano laba qof oo magaalada jooga Arbacadii iyo galabnimadii Khamiistii oo ka waramay aragtida ay ka qabaan waxa dhacaya.

Waxaanan aqbalnay in aanaan magac dhebin si aanay khatar u gelin.

Waxay waayeen adeegyadii aasaasiga ahaa tan iyo markii colaadu bilaaban tahay 4 Noofember.

Magaalo madaxda Tigray ee Mekelle waxa ku nool 500,000 oo qof
Magaalo madaxda Tigray ee Mekelle waxa ku nool 500,000 oo qof

Labadaa qof ee magaalada degani waxay sheegeen in aan waxba is bedelin tan iyo markii ciidamada federaalka Itoobiya galeen Mekelle todobaad ka hor.

“Ilaa haatan koronto ma jirto, biyo ma jiraan adeegii bakiyaduna ma jiro” ayuu yidhi qof ka mid ah dadka aan la xidhiidhnay.

“Xafiisyo dawladeed oo magaalada ka shaqaynayaa ma jiraan”.

Wuxuu intaa ku daray in askarta ciidamada federaalka lagu arkayo meelo gaar ah oo aan booliskii iyo ciidamadii nabadgelyada ee gobolka la arkayn, fadhataysiguna wax caadi ah noqday.

Dhanka kale, warbaahinta u janjeedha dawladda ayaa ku warantay in “magaaladu caadigii ku soo noqotay”.

Qof uu waraystay telefishanka Itoobiya ee ETV ayaa yidhi “dadku magaalada way dhex lugaynayaan tukaamaduna way furan yihiin… oo xataa imika kaniisaddaan tagaynaa. Wax kastaa sidaa aad aragtoba waa caadi oo waa nabadgelyo”.

ETV wuxuu baahiyey sawirro Mekelle laga soo qaaday oo uu sheegay in ay xaaladdu degan tahay
ETV wuxuu baahiyey sawirro Mekelle laga soo qaaday oo uu sheegay in ay xaaladdu degan tahay

ETV wuxuu sidoo kale baahiyey sawirro ah dad lugaynaya wadooyinka magaalada.

Waxa sidoo kale jirta in lagu kala aragti duwan yahay khasaaraha gulufkii gaadhiisyey magaalada.

Todobaadkii hore intaan ciidamada federaalku galin Mekelle, waa la duqeeyey dadkii deganaana qaar baa ka qaxay oo u baxay duleedka magaalada si ay duqaynta uga badbaadaan.

Qalalaasaha Gobolka Tigrayga: Afar arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato

‘Guryo la dumiyey’

Isniintii ayaa Ra’isal Wasaare Abiy hor tagay golaha baarlamanka ee Addis Ababa waxaanu xildhibaannada u sheegay in “aan qof keliya oo shacab ah la dilin” intii hawl galku socday.

Hase yeeshee labada qof ee aanu la xidhiidhay ee Mekelle joogaa waxay BBC-da u sheegeen in ay duqayntii ka dib isbtitaalka magaalada ku arkeen dad rayid ah oo dhaawaca iyo kuwo mayd ah.

Qofkaan la xidhiidhnay wuxu sheegay in gurigan ku yaal Mekelle duqayntii lagu dumiyey qoyskii deganaa qaarkoodna lagu dilay
Qofkaan la xidhiidhnay wuxu sheegay in gurigan ku yaal Mekelle duqayntii lagu dumiyey qoyskii deganaa qaarkoodna lagu dilay

Dadkaa aanu la hadalnay midkood ayaa noo soo diray sawirka guri duqayntii lagu dumiyey oo ku yaal goob xaafado ah oo la yidhaa Ayder Edaga Begie oo ay ku dhinteen xubno ka mid ah qoysaskii deganaa midkood.

Isaga oo ka falcelinaya wararkaas ayaa wasiirka dimuqraadiyadeynta Itoobiya, Zadig Abraha, wuxuu sii adkeeyey aragtidii ra’isal wasaaraha oo wuxuu BBC-da ku yidhi “gebi ahaan ba waanu iska ilaalinay in dad rayid ah waxyeelo xagayaga ka gaadho”.

BBC-da waxa kale oo u suurto gashay in ay la hadasho qof jooga galbeedka Tigray, halkaas oo dagaal culusi ka dhacay horaantii bishii hore.

Isgaadhsiinta ayaa qayb ahaan loo soo celiyey aaggaas.

‘Kaynta ayaan ku dhuumanaa’

Dadka weli cabsi baa haysa, ayuu yidhi dadka aan la hadalnay midkood, waxaanu sheegay in maleeshiyo ka timid gobolka ay jaarka yihiin ee Amhara ay dadka laynayso, dhibayso oo ugu hanjabayaan in ay qoomiyada Tigray dhulka ka rarayaan.

“Waxaan isku dayey inaan Sudan u talaabo, way naga xidheen jidkii. Haatan dhibaato ayaa na haysata. Xabsi baad moodaa inaan ku jirno. Dadka qaarkood ma haystaan wax ay cunaan oo kaymaha ahay ku dhuumanayaan” ayuu yidhi.

“Maalintii kayntaan ku jirnaa. Ma jirto cid na ilaalinaysaa. Beerahayagii waanu ka qaxnay. Lo’dayadii waxay baadi ku tahay beeraha”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this