Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin ka dhalatay Go’aankii Trump ku sheegay inuu ciidamada Maraykanka degdeg uga saarayo Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Fal-celin ka dhalatay Go’aankii Trump ku sheegay inuu ciidamada Maraykanka degdeg uga saarayo Somalia

usa.png

Xildhibaan Jim Langevin, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga lagana soo doorto gobolka Rhode Island, ayaa dhaleeceeyay ciidama ka soo saarista Trump ee Soomaaliya oo uu ku sheegay in ay tahay “isku dhiibidda al-Qaacidda iyo haddiyadda Shiinaha.” Langevin ayaa ah gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Sirdoonka ee Aqalka Wakiillada Mareykanka.

“Markii ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Soomaaliya iyagoo ka jawaabaya amarka maanta, way ku adkaaneysaa diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka in ay dadka ka caawiyaan xallinta khilaafaadka, iyadoo aan wax rabsho ah ama dhimasho aysan dhicin,” ayuu yiri Langevin.

“Xilli ay Soomaaliya galeyso doorasho, islamarkaana ay colaad ka taagan tahay dalka deriska ah ee Ethiopia, dayacaadda saaxibadeen ma imaan karin waqti ka xun,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo xubin ka ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay Reuters in “go’aanka Mareykanku uu uga soo saarayo ciidamadiisa Soomaaliya marxaladdan adag ee dagaalka lagula jiro al-Shabaab iyo shabakaddooda argagixisada caalamiga ah ay tahay mid aad looga xumaado,”.

“Ciidamada Mareykanka waxa ay sameeyeen waxqabad aad u weyn, waxayna saameyn weyn ku yeesheen tababarka iyo waxtarka howlgalka ee ciidamada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Yuusuf.

Haddii ka bixista ciidamada Mareykanka uu tahay mid joogto ah, “waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa dadaallada la-dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Kol. Axmed Cabdullaahi Sheikh, oo soo noqday taliyaha ciidamada Danab muddo saddex sano ah.

Waxa uu sheegay in uu ka barbar dagaallamay ciidamada Mareykanka, iyadoo intii uu taliyaha ahaana labo Mareykan ah iyo in ka badan boqol askari oo ciidankiisa ah ay dhinteen.

Barnaamijka Mareykanka ee lagu gaarsiinayo tirada ciidamada Danab ilaa 3,000 oo askari ayay ahayd in uu sii socdo illaa 2027-ka, ayuu yiri Sheikh, laakiin mustaqbalka arrintaasi ayaan hadda caddeyn.

Ciidamada Mareykanka ayaa ku sugnaa Soomaaliya, inta badanna waxa ay taageeraan howlgallada ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ee ka dhanka ah Al Shabaab, oo weerarrada ay ka gaysatay wadamada sida Kenya iyo Uganda ay ku dhinteen boqollaal rayid ah oo ay ku jiraan Mareykan.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this