Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo amray in Soomaaliya laga soo saaro ciidamada Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota.

Trump ayaa horey u amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ka jooga waddamada Afqaanistaan iyo Ciraaq.

Inkastoo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uusan sidaa u sii weynayn, haddana ciidamadaasi Mareykanka ee gaaraya 700 waxay door muhiim ah ka qaataan ololaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo mintidiinta kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Xarakada Al-Shabaaba ayaa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika waxay u arkaan halista ugu weyn ee ka jirta qaaradda Afrika.

Iyadoo ay taa jirto ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu amray in Soomaaliya laga soo saaro dhammaan ciidamada Mareykanka ee tababarrada siiya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya isla markaana gacanta ka siiyo ka hortagga kacdoonnada hubeysan.

Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta ay iyaguna billaabayaan qorshahooga ka bixitaanka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this