Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Go’aan ka soo baxay dowladda oo dhaqangeli-waayay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16070063391025544.jpg?resize=720%

Waxaa maanta oo sabti ah (05 December 2020) dhaqangeli-waayay go’aankii  Xukuumadda Puntland ee ahaa in aan  $1 doolar iyo wixii ka yar lagu diri karin adeegyada lacag-dirista mobile-ka ee laga isticmaalo gudaha Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha Wasiiradda todobadkii hore ayaa lagu sheegay in dowladdu go’aamisay laga bilaabo 05 December 2020 in $1 iyo wixii ka yar aan lagu diri karin adeega lacagta-danabeysan ee Mobile-da la isugu diro.

Deegaanada Puntland ayaa maanta sidii hore looga isticmaalayaa adeegyada lacag-dirista mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) iyadoo uusan wax saameyn ah ku yeelan go’aankii dowladda.

Waxaa muuqata in uusan jirin wax is-afgarad ah oo ay gaareen dowladda iyo shirkadaha adeegyada lacag dirista taleefoonnada gacanta, ka hor inta aan dowladdu soo saarinta ga’aankan.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Go’aan ka soo baxay dowladda oo dhaqangeli-waayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this