Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo amray in Ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Donald Trump, ayaa amar ku bixiyay in Ciidamada Maraykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Warbaahinta Maraykanka.

Mr Trump, ayaa amar ku siiyay Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon iyo Taliska Ciidamada ee AFRICOM, in bilowga sannadka soo socda gudaha Soomaaliya laga soo saaro dhammaan Ciidamada Maraykanka.

Soomaaliya waxa ku sugan in ka badan 700 askari oo Maraykan ah, kuwaas oo fuliya La-dagaallanka Argagixisada, islamarkaana tababar iyo taageero siiya Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaanna kuwa la-dagaallanka Argagixisada.

Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya laga saarayo, waxa qaarkood la gayn doonaa dalalka Kenya iyo Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya, waxaase sii socon doona duqaymaha Maraykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya ee lagu beegsado Al-shabaab iyo Daacish.

PUNTLAND POST

The post Trump oo amray in Ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this