Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo eedayn u jeediyay Shirkadda Facebook

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Facebook in uu takoor kula kacay shaqaalaha Ameerikaanka ah isaga oo fursadaha shaqo siiyay muhaajiriinta.

Dacwad ka dhan ah shirkaddan baraha bulshada ayaa lagu sheegay inay diiddo inay shaqaaleysiiso amaba ay tixgeliso dadka Ameerikaanka ah ee u qalma shaqooyin ka badan 2,600.

Shaqooyinkaas ayaa la siiyay ajaanib heysata dal ku gal ku meel gaar ah, ayaa lagu xusay dacwadda. Facebook ayaa dood ka keenay dacwaddaas, wuxuuna sheegay inuu la shaqeynayo waaxda.

Dacwadda waxay quseysaa isticmaalka Facebook ee dal ku galka ku meel gaarka ah ee H-1B, kuwaas oo ay aalaaba isticmaalaan shirkadaha teknolojiyadda si ay shaqaale ajaanib ah oo xirfad leh u keenaan Mareykanka.

Dacwadda oo shalay la gudbiyay, ayay waaxdu ku sheegtay in Facebook uu si ula kac ah u abuuray hannaan shaqaaleysiin oo dadka Ameerikaanka ah ka doorbidaya dadka heysta dal ku galka H-1B iyo shaqaale kale oo ku meel gaar ah.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo eedayn u jeediyay Shirkadda Facebook appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this