Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Kenya Oo Ka Dooday Arrimo Ku Saabsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
2-1.jpeg?resize=750%2C430&ssl=1

Baarlamanka Kenaya ayaa ka dooday khilaafka diblomaasiyadeed ee haatan ka dhex bilaabmay labada dal Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah mid sii xoogaysanaya, waxana baarlamaanka dalkaasi ay ka yeesheen kulan ballaaran oo ay ku lafa gureen khilaafka labada dal.

Arintan ayaa daba joogta go’aankii ay Soomaaliya ugu yeertay safiirkeeda u fadhiya Nairobi, ee ay sidoo kalena ku wargelisay danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya inuu dalkiisa wada tashi ugu noqdo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay go’aankaa ku salaysay Kenya oo ay ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso in uu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha deriska ah.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Kenya Oo Ka Dooday Arrimo Ku Saabsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this