Deeq A. Posted December 4, 2020 Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Genaral Xuud uu xalay, illaa saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadkaasi oo ka soo horjeedo maamulka HirShabelle ay la wareegeen xaafadaha Koonshin, Xaawo-Taako iyo agagaarka garoonka Ugaas Khaliif. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan. Beledweyne waxaa sidoo kale saacadihii la soo dhaafay ka dhacay banaan-baxyo ka dhan ah HirShabelle oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites