Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ku howlan sidii uu ciidamadiisa ugala bixi lahaa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha sare sare ee dalka Mareykanka ayaan weli go’aan rasmi ah ka gaarin tirada ciidamadooda sii joogi doono Soomaaliya, iyada oo ay socoto qorshaha ay askartooda kula baxayaan.

Sarkaal ka tirsan malateriga Mareykanka ayaa ka digay halista Al-Shabaab, haddii gebi ahaan ciidamadooda laga saaro gudaha Soomaaliya.

General Mark Milley oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa xusay in laga doodayo qaabka ugu macquulsan ee baaqi Soomaaliya ugu noqon lahaa ciidamo ka tirsan Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa iyo 700 oo askari, waxaana Mr Mark uu intaasi ku daray, haddii aan lahelin wax xal ah ay kordhi doonto awooda Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale sanadihii la soo dhaafay tababaro iyo talooyin siinayey kuwa Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this