Deeq A. Posted December 3, 2020 Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in heshiis horudhac ah laga gaaray xiisad beeleed ka taagneyd deegaano u dhexeeya degmooyinka Matabaan & Maxaas ee gobolkaasi. Xiisada oo salka ku heysay dilal la xiriira aano Qabiil ayaa in muddo ah soo jiitameysay, iyada oo maleeshiyaadka labada dhinac ay marar kala duwan ku dagaalameen halkaasi. Ma’suuliyiin ka kala socda dowladda federaalka ah Soomaaliya iyo HirShabelle oo ku baxay xiisadaasi ayaa ku guuleystay in xal hor dhac ah laga gaaro colaadaasi. Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa la kala dhex-dhigay ciidamo ka tirsan kuwaXoogga dalka, si markale looga baaqsado in dagaal beeleed uu ka dhaco gobolka Hiiraan. Maleeshiyaadka oo la-kala qaaday ayaa sidoo kale lagu sameeyey hub ka dhigis, iyada oo lagu ballamay in la sii amba-qaado arrimaha dib u heshiisiinta ee beelahaasi. Gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa marar badan ku soo laa-laabtay dagaal beeleedyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article Share this post Link to post Share on other sites