Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab-demis la’aan khatar gelisay diyaarad shil ku gashay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
4-1.jpg?resize=720%2C647&ssl=1

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Air Jabuuti, ayaa saaka shil yar ku gashay Garoonka Diyaaradaha Garoowe, kadib markii cillad ku timid ay keentay in ay Ran-wayga ka baxdo.

Shilka ku yimid Diyaaradda, ayaa sidoo kale waxa ka dhashay dab yar, waxaana ay qiiq ka sii daysay qaybta dambe, inkastoo aysan wax khasaare ah ka soo gaarin Rakaabkii saarnaa, kuwaas oo dhammaantood ka badbaaday.

Gaariga dab-demiska Garoonka, oo wakhtigaas loo baahday ,ayaa la waayay waxaana mar dambe la arkay isagoo taayir ka maqanyahay. Qaar kamid ah Shaqaalah Garoonka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in dab-demisku uu taayir la’aan ahaa mudda laba bilood ah.

Maamulka Garoonka oo codsiyo kala duwan loo jeediyay in Gaariga dab-demiska ay taayir u gadaan ayaan dheg jalaq u siin codsiga Shaqaalaha, taas oo sababtay in maanta dab-demisku shaqayn waayo.

Sidoo kale, waxa xanniban Duullimaadyada Garoonka Diyaaradaha Garoowe, maadaama ay Diyaaraddu dhex taallo dhabbaha Ran-wayga

PUNTLAND POST

The post Dab-demis la’aan khatar gelisay diyaarad shil ku gashay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this