Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: G/Banaadir oo xal u raadinayo saameynta ka dhalata roobabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir mudane Faarax Cabdi Diini ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta caasimadda.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen agaasimeyaasha ku shaqada leh horumarinta caasimadda ayaa lagu lafa guray sidii xal waaro looga gaari lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha asaaska u ah ilaalinta bilicda caaismadda xilli roobaadka, si aysan u saameyn biyuhu isu socodka magaalada iyo dadka danyarta ah.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta uu la kulmay in ay dardar galiyaan qorshaha horumarinta magaalada iyo in si hufan loogu qidmeeyo bulshada Caasimadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in horumarinta magaaladu ay tahay arrinka ugu horreeya ee hortebinta u leh maamulka gobolka iyagoo sheegay in dardar gelin doonaan xal u helida arrintaan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

128525687_2755038224734919_2312222241950 128656713_2755038034734938_3438107165517 128885425_2755038108068264_5725534560496129034670_2755038188068256_3719521347412 129056468_2755038271401581_4198190569569129095419_2755038311401577_8576505031700 129200129_2755038341401574_9140105259212

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this