Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii Bacaadweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay boggaadineyso shacabka deegaankaasi ay ka qeyb-qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Halka hoose ka aqriso:-

Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa  Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda  argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020.

Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeen  Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan  si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda
Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya mudane Cismaan Dubbe ayaa yiri “Taliska  Ciidanka Xoogga Dalku waxa uu xaqiijiyay in laga dilay Al-Shabaab 51 qof oo ka  tirsan maleeshiyadooda, lagana qabtay lix (6) qof oo dhaawac ah oo uu ku jiro
horjoogihii weerarka hogaaminayay. Waxaa sidoo kale ku dhintay 15 qof oo isugu jira  Askar iyo Shacab”.

Sidoo kale Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray  ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo  maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka  go’an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la
taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this