Deeq A. Posted December 2, 2020 War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay boggaadineyso shacabka deegaankaasi ay ka qeyb-qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Halka hoose ka aqriso:- Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020. Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeen Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda Soomaaliyeed. Wasiirka Warfaafinta Somaliya mudane Cismaan Dubbe ayaa yiri “Taliska Ciidanka Xoogga Dalku waxa uu xaqiijiyay in laga dilay Al-Shabaab 51 qof oo ka tirsan maleeshiyadooda, lagana qabtay lix (6) qof oo dhaawac ah oo uu ku jiro horjoogihii weerarka hogaaminayay. Waxaa sidoo kale ku dhintay 15 qof oo isugu jira Askar iyo Shacab”. Sidoo kale Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas. Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka go’an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites